Xidigaha Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar ayaa la nasiiyay kulanka ay lugta Labaad la ciyaari doonaan kooxda Velencia koobka boqorka dalka Spain ee Copa del Rey
Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay kooxda velencia lugta Hore ee ciyaarta semi-final Lugtii Hore xili ay caawa kula soo ciyaari doonaan Garoonka Mestalla.
Dhanka kale waxay caawa kooxda Barcelona nasin doontaa xidigaha Gerard Pique, Javier Mascherano iyo Andres Iniesta fursada caawa waxaa heli doona xidigaha yar yarka ee kooxda Barcelona sida uu saxaafada u sheegay Macalinka kooxda Barcelona.
Ivan Rakitic, Sergi Roberto iyo Jeremy Mathieu ayaa ah xidigaha booska kowaad ee kooxda Barcelona kulankaan kusoo bilaawan doona halka Wilfrid Kaptoum, Sergi Samper, Dani Romera, Juan Camara iyo Gerard Gumbau. Ay yihiin kuwa Fursad la siiyay.

