Laacibka kooxda Manchester City Samir Nasri ayaa cadeeyay in uu jecel yahay in uu noloshiisa kubada cagta kusoo gaba-gabeeyo kooxda Manchester city. ee Magaalada Manchester
28-jirkaan ayaa mudooyinkii dambe dhaawac kaga maqnaa kooxda Kadib markii bishii October uu dhaawac soo gaaray. kulan ka Tirsan Horyaalka dalka Ingiriiska.
Laacibka reer France ayaa Manchester City kaga Yimid kooxda arenal xili ay kooxda City ay kusoo iibsatay aduun dhan £25 million August 2011.
Samir Nasri ayaa kamid ah xidigaha ugu saameynta Kubada cagta marka laga hadlaayo abuurista Kubadaha isagoona bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda Manchester City tan iyo markii uu yimid.

