Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa waxaa uu maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal uu kula kulmay wafdiga Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Micheal Keating, ee maalintii 2-aad ku sugan Magaaladaasi.
Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaliya iyo arimaha Doorashooyinka la filayo in ay soomaliya ka dhacaan marka la gaaro aguasto sanadkaan 2016-ka.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa sheegay in Madaxda dowlada soomaliya ay ku fashilmeen siyasada soomaliya wuxuuna sheegay in wafdiga Micheal Keating inay ula taggeen war qoraal ah, oo ku saleysan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, marka ay noqoto aragtida Puntland.
Gaba-gabadii Kulanka Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) waxa uu sheegay nidaamka 4.5 uu yahay nidaam ay dhabarka ka riixayaan madaxda dowlada soomaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada soomaliya xiligaan ka jira.











