Madaxweynihii Hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo la Kulmay Amb Micheal Keating +Sawiro

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa waxaa uu maanta Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal uu kula kulmay wafdiga Wakiilka Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya, Micheal Keating, ee maalintii 2-aad ku sugan Magaaladaasi.

Labada Mas’uul ayaa kawada Hadlay xaaladaha siyaasadeed ee  dalka Soomaliya iyo arimaha Doorashooyinka la filayo in ay soomaliya ka dhacaan marka la gaaro aguasto sanadkaan 2016-ka.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa sheegay in Madaxda dowlada soomaliya ay ku fashilmeen siyasada soomaliya  wuxuuna sheegay in wafdiga Micheal Keating inay ula taggeen war qoraal ah, oo ku saleysan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, marka ay noqoto aragtida Puntland.

Gaba-gabadii Kulanka Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) waxa uu sheegay nidaamka 4.5 uu yahay nidaam ay dhabarka ka riixayaan madaxda dowlada soomaliya iyo qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada soomaliya xiligaan ka jira.

0d0f46a5 1fd0ab45 04c6278c 4dcc64cd 94e7b9c1 a1be9b2d b0d48013 c61249ac deb31e46 f6e97d84

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here