Michael Keating oo ku Wajahan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal

0

Denjiraha Cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaliya Michael Keating ayaa maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal.

Ujeedka safarka Denjiraha Cusub ee qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaliya ayaa lagu sheegay  la kulanka madaxweynaha Maamulka Dr C/wali Maxamed cali Gaas oo kasoo horjeystay in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka 4.5.

Mudane Michael Keating oo dhawaan xilka ka badalay Nikolas Key ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono qancinta madax ka soo horjeeda in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka 4.5 oo ah hab ay beelaha soomaliyeed wax ku qeybsadaan,

Dhanka kale war kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in deeganada Maamulka Puntland aysan imaan Karin dad ka socda dowlada soomaliya iyo beesha caalamka,

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali ayaa si weyn ugu horjeystay in doorashada soomaliya ka dhacaysa lagu saleeyo nidaamka 4.5.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here