Wasiir Odawaa oo baaqNabadeed u direy Maamulka Ahlusuna Waljameeca

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya C/raxmaan maxamed xuseen Odawaa ayaa baaq Nabadeed u direy Maamulka ahlusuna waljameeca ee Gobolada dhexe ka arimiya.

C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa oo shalay gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Loogu baahan yahay maamulka ahlusuna waljameeca in ay ka qeyb qaataan nabadeynta Gobolada dhexe ayna wada-hadal la galaan maamulka Galmudug.

Wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya C/raxmaan maxamed xuseen Odawaa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Mudane C/kariin xuseen Guuleed in uu culeyska saaro xalinta arinta Magaalada dhuuso Mareeb oo ah caasimada Maamulka Galmudug. balse ay haatan ka arimiyaan maamulka ahlusuna.

Dhanka Kale Maamulka ahlusuna waljameeca ayaa kasoo horjeystay hadalka wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya ee ku aadan in Maamul loo dhiso degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here