Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa saakay ka taagan Magaalada gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Mid kamid ah odayaasha ka sugan Magaalada gaalkacyo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Puntland ay yihiin kuwa wada dagaalka isgoona ugu baaqay Madaxda Maamulka Puntland in ay joojiyan dagaal mar kale ka bilowda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Magaalada Gaalkacyo waxaa tan iyo xalay laga maqlayay rasaas ay isweedaarsanayeen ciidamada Maamulka Galmudug iyo puntland kuwaasi oo ku kala sugan woqooyiga iyo koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

