Wafdi uu Hogaaminaayo wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumaadda Soomaliya c/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Waxaa degmadaas ku soo dhaweeyay madaxweymaha Maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan wasiiro. Iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo maalmihii dambe ku sugnaa degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaliya waxaa kamid ah Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Mudane Maxamed Xasan Nuux, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Mahad Salaad iyo xubno kale.
Wasiirka ayaa haatan kulamo la leh Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin xuseen Guuleed iyo waxgaradka degmada Hobyo isagoona kala hadlaayo sidii maamul hoos Yimaada Galmudug loogu dhisi Lahaa degamada Hobyo.
Sidoo kale kulanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha Gudaha ayaa loogu hadlaayaa sidii loo xoojin lahaa wadahadalo la sheegay in ay dhaxmari lahaa doonaan Maamulka Galmudug iyo ahlusuna.

