Wali waxaa socda Baaritaanka la xiriira qaraxii ka dhacay diyaarada Daallo Air Line oo Todobaadkii Hore ka duushay garoonka diyaaradaha Magalaalada Muqdisho ee aadan Cadde. Iyadoo kusii jeeday dalka Jabuuti.
Dowladda Somaliya ayaa soo bandhigtay Muuqaal ay duubtay Kaamirada CCTV ee ku xiran Garoonka, Kaamirada waxaa laga dhex amrkaayay labo ruux oo ruux kale u dhiibaya Boorso yar oo la aaminsan yahay inuu Laptobka ku dhex jiray.
Muuqaalka Kaamirada CCTV ay duubtay ayaa waxaa ka dhex muuqda nin xiran Jaakad Astaan u ah Shaqaalaha Garoonka Diyaarada aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay wada socdeen ruux kale oo Laabtopka gacanta ku sida, waxaana loo dhiibay ninka fulin doono mishinka qaraxa.
Laamaha amaanka dowlada soomaliya ayaa wali wada baaritaanka la xiriira qaraxa waxaana haatan la sheegay in gacanta lagu hayo 20-ruux ooo lagu tuhmaayo in ay wax ka ogaayeen qaraxa ka dhacay diyaarada dallo Air Line.
Maxamed ibraahim colaad Gudoomiyaha shirkada Dallo air Line ayaa sheegay in qaraxa loo geystay diyaarada Daallo air lala rabay in la joojiyo duulimaadyada caalamiga ah.







