Laacibka qadka dhexe ee kooxda Manchester United Michael Carrick ayaa aaminsan in kooxda United ay wali ku rajo weyn tahay hanashada Horyaalka dalka Ingiriiska xili ay 13-dhibcood ay ka hooseeyaan kooxda Leicester City oo Horyaalka Hogaaminaysa.
Kooxda Leicester City ayaa shalay 3:1 kaga adkaatay kooxda Manchester City ciyaar ka dhacday guriga Etihad Stadium waana koox xili ciyaareedkaan bandhig wanaagsan ka sameenaysa Horyaalka dalka Ingiriiska.
Kooxda Manchester United ayaa caawa garoonka Stamford Bridge kula ciyaari doonta kooxda Chelsea uu xili ciyaareedkaan Horyaalka dalka Ingiriiska aan bandhig wanaagsan ka sameeneynin.

