Xuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay diyaarad Rakaab siday oo maanta ka duushay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho balse dib ugu laabatay garoonka kadib markii uu dab qabsaday xili ay maraysay tuulo hoos Timaada degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Wasiirka Duulusta iyo Gaadiidka Hawada Xuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingeli oo Shir Jaraaid ku Qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Tilmaamay in diyaarada markii hore ay ka duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho laakinse cilad soo wajahday awgeed ay dib ugu soo laabatay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Cali Axmed Jaamac Jingeli ayaa sidoo kale sheegay in ay haatan socdaan baaritaano ku aadan sabaha keenay dabka ka kacay diyaaradaan ay leheyd shirkada daalo Air Line oo kusii jeeday sida la sheegay dalka Jabuuti.
Dhanka kale Maareyaha Heyadda Duulista Iyo Saadaasha Hawada Oo Isna Ka Hadlay Shilkaasi ayaa sheegay in hadda arinta ay gacanta ku hayaan Ciidamada Amaanka Barrisna ay Socoto haddana aan laga hordhici karin.
waxaa sidoo kale maanta Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho Tagay Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Gen C.raxmaan Tuuryare iyo mas’uul kale soomaliya ka tirsan oo u kuurgalay sabaha keenay dabka ka kacay diyaarada rakaabta siday.





