Maamulka Soomali-land oo Ka Hadlay Awaamiir kasoo baxday Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somaliya

0

Maamulka Soomali-land ayaa si  cad u sheegay in uusan joojin doonin duulimaadyada isugu kala goosha Magaalooyinka Hargeysa ee soomali-land iyo Muqdisho. Ee caasimada soomaliya.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye, Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland,  oo la hadlay laanta afka soomaliga ee idaacada Voa-da ayaa sheegay in awaamiirta kasoo baxday  Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somaliya aysan quseynin Maamulka soomali-land.

Wasiirka ayaa Tilmaamay in Maamulka  Somaliland uu sii wadi doono duulimaadka  diyaaradaha kasoo baxa Magaalada Hargeysa ee Caasimada Soomali-land, isla-markaana rakaabka u qaada Magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaliya.

Hadalka Wasiir Ku Xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland,   ayaa imaanaya xili Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Somaliya ay sheegtay in la joojinaayo muddo 21 cisho duulimaadkii tagi jirey Magaalada Hargeysa iyadoo sidoo kale waaxda ay Tilmaamtay in  22 Ka Bishan uu dhaqangalayo amarka ku aadan Mamnuucista Duulimaadyadii tagi jiray Magaalada Hargaysa.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here