Wararka naga soo gaaraya Gudaha degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas uu caawa ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xiray gaari noociisa uu yahay kuwa raaxada waxaa inta badan laga maqlay Gudaha degmada xamar Jajab ee Gobolka banaadir,
Gaarig qaraxay , ayaa horyaalay sida wararka aynu ka laheyno afafka hore guri ku yaala xaafadda Unicef, balse ay dadka deegaanka u yaqaanaan (Unosheef). Dab ayaa qabsaday gurigii uu gaarigu horyaalay.
wixii kusoo kordha simbanews,com

