Ray Wilkins oo ka Hadlay Saameynta uu leeyahay John Terry

0

Macalinka Hore ee kooxda Chelsea Ray Wilkins. Ayaa aaminsan in ay Chelsea si weyn u tabi doonto hadii uu daafaca John Terry uu ka tago dhamaadka xili ciyaareedkaan,

Daafacii Hore ee xulka dalka Ingiriiska haatana ka  tirsan kooxda Chelsea John Terry ayaa guushii ay ka gaareen kooxda MK Dons saxaafada u sheegay in dhamaadka xili ciyaareedkaan uu ka dhaqaaqi doono kooxda Chelsea.

Heshiiska uu kula jiro kooxdiisa ayaa dhacaya bisha June isagoona kasoo hojeystay in uu heshiis cusub qalinka ugu duugo naadiga Chelsea,

Ray Wilkins oo mar macalin usoo noqday Chelsea ayaa sheegay in Chelsea ay waayi doonto halyey daafaca ku wanaagsan dhamaadka xili ciyaareedkaan,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here