Newcastle United  oo amaah ku Fasaxday Xidiga Florian Thauvin

0

Kooxda Newcastle United ayaa sheegtay in laacibka Florian Thauvin uu kooxda ka dhaqaaqayo isagoona si amaah ah ugu laaban doona kooxdiisa Hore ee Marseille

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France ayaa kooxda Newscastle kaga yimid kooxda Marseille bilaabashada Horyaalka dalka Ingiriiska laakin waxa uu heli waayay booska kowaad ee dhanka iyo weerarka garoonka St James’ Park.

War kasoo baxay naadiga Newcastle United  ayaa lagu sheegay in xidigaan dib loogu celiyay kooxdiisa Hore isagoona amaah kusoo qaadan doona inta ka dhiman xili ciyaareedkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here