Faah-Faahin:- Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Dalka sacuudiga

0

Ugu yaraan 2-ruux ayaa ku dhimatay halka 7-kale ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay masaajid ku yaala bariga dalka Sacuudiga, oo shiico ay ku sugneed,

Wasiirka arrimaha Gudaha dalka sacuudiga ayaa sheegay in weerarka ismiidaaminta ay ku dhinteen dad shiicaha ahaa oo ku sugnaa Masaajid wuxuuna sidoo kale Tilmaamay in qaraxa uu dhacay xili dadka ay usoo xaadireen gudashada salaada Jimcaha ah,

Labo qarax oo ismaadaamin ah ayaa la sheegay in lagu weeraray masaajidka la yiraahdo Imam Rida Mosque oo ku yaala Gobolka Mahasen ee bariga dalka Sacuudiga,

Cidna ma sheeganin qaraxa ka dhacay maanta Bariga dalka sacuudiga xili sanadkii Hore qarax ka dhacay Masaajid ay ku sugnaayeen dadka shiicada ah oo ku yaala Magaalada Najran ay sheegteen kooxda Daacish waxaana ku dhintay 16-ruux oo shiica ahaa, xiligaas,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here