Barcelona oo wajihi doonta kooxda Velencia semi-final-ka koobka Boqorka dalka Spain

0

Kooxda Barcelona ayaa wajihi doonta kooxda Valencia ciyaarta  semi-final-ka koobka Boqorka dalka Spain ee  Copa del Rey kadib markii isku aadkiisa la sameeyay maanta oo jimco ah,

Kooxda difaacanaysa koobkaan ayaa habeen Hore 3:1 kaga adkaatay celis ahaan kooxda Athletic Lugta Labaad ee koobkaan iyadoona 5:2 kaga soo baxday.

Macalin Luis Enrique ayaa wajihi doona Macalin Gary Neville’ kadib markii ay iska soo xaadireen Wareega Semi Finalka koobka Boqorka dalka Spain ee Copa del Rey

Dhanka kale  kooxda Celta Vigo, ayaa wajihi doonta kooxda Sevilla kadib markii ay kasoo adkaatay kooxda Magaalada Madrid ka dhisan ee Atletico Madrid ciyaar Habeen Hore dhacday,

Lugta Hore ayaa lagu ciyaari donaa Garoomada Camp Nou iyo Ramon Sanchez Pizjuan bisha  February 3, iyadoona Lugta labaad la ciyaari doono Isbuuc kadib

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here