Kadib Kulan Maanta ka dhacay deegaanka Number 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa dadkii isugu yimid kulankaasi oo kasocday inta badan beelah wada daga Maamulka Koonfurgalbeed Soomaaliya waxaa ay ku sheegeen kulankooda in ay dhaliilsanyihiin Maamulka Koonbfurgalbeed ee Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Odayaasha Ka qaybgalay Kulanka Maanta oo la hadlay Radio Simba ayaa Sheegay in arinkan ay u Sameeynayaan kadib Markii Mamulka Koonfurgalbeed Caddaalad darro iyo waxyaabo kale ay ku arkeen sida ay sheegeen.
Odayaasha ayaa sheegay in Wixii Maanta ka dambeeya aysan ka mid ahayn Maamulka Koonfurgalbeed Islamarkaana ay kalsoonidii kala laabteen Sida ay Sheegeen Odayaashaai.
Waxaa ay sidoo ku eedeeyeen Madaxweynaha Koonfurgalbeed Shariif Xasan in uu si aan Caddaalad ahayn Odayaashii soo xulay baarlamanka ugu faragaliyey islamarkaana dad aan u dhalan deegaanada Maamulkaasi uu baarlamaanka kusoo daray sida ay sheegeen.
Odayaasha ayaa sheegay in kulank Maanta ay xiriirka ugu Jareen Maamulka Koonfurgalbeed ay wadajoogeen dadka ay ka go’do masiirka beelaha Shabeelaha Hoose dhawaanna ay gobolkaasi uga dhawaaqayaan Maamul kale oo sida ay sheegeen lagu mideynaayo gobolka Shabeelaha Hoose qabailada kuwada nool.
Masuuliyiinta Maamulka Koonfurgalbeed oo aan la xariirnana waa ay ka gaabsadeen in ay wax faah-faahina ay ka bixyaan arinkaan.

