Ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya ayaa goor dhaweyd Gudaha u galay Hoteelka caawa weerarka lagu qaaday ee ku yaalay degmada C/casiis e Gobolka Banaadir,
Dhanka kale Rasaas iyo qaraxyo Bambaano ayaa wali laga Maqlayaa Gudaha Hoteelka Liiido ku yaala ay isweedaarsanayaan ciidamada Nisa iyo kuwa Xarakada al-shabaab oo caawa Gudaha u galay Hoteelka Liido Ku yaala,
Sidoo kale Lama Ogo qasaaraha ka dhashtay qaraxa iyadoona ay goobta ay ku sugnaayeen dad shacab ahaa iyo Mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlada soomaliya.

