Wararka haatan Naga soo gaaraya Xeebta Liido ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in wali ay Hoteelka Liido Beach Sea ay ku jiraa rag ka Tirsan xarakada al-shabaab oo caawa weerar gaadmo ah ku qaaday Hoteelka,
Waxaa laga Maqlayaa goobta Rasaas xoogan iyadoona ay gaareen ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee amisom si ay goobta ugu saaraan raga ka Tirsan al-shabaab, oo caawa weerar ku galay Hoteelka,

