Axmed Madoobe :- Shirka Lagu Go’aamin  doono doorashada Mar kale Wuxuu ka dhacayaa Kismaayo

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhawaan uu mar kale magaalada Kismaayo ka Furmayo shir kale oo lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in madaxda shirka ka qeyb gashay ay isku af-garteen in Magaalada Kismaayo mar kale lagu qabto shirka kale oo lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan.

“Hadaan nahay reer Kismaayo naguma cusba, marti gelinta waanu baranay qaabka loo marti galiyo shirarka, wax culeys ah nama saareyso, saxiixa ugu dambeeya Kismaayo ayuu ka dhacaa, ayuu hadalkiisa ku sheegay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

War laga soo  saaray shirkii fashilka kusoo dhamaaday ee Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in shir kale oo lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa uu ka dhici doono Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here