Kooxda Daacish oo Xaqiijisay Geerida Jihadi John.

0

Kooxda Daacish ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay geerida Ninkii kooxda u qaabilsanaa dhanka Gowraca ee Lagu magacaabi jirey Jihadi John.

War kasoo baxay kooxda ayaa Lagu xaqiijiyay in Jihadi John uu ku geeriyooday duqeyn ay ciidamada Cirka ee dowlada Mareykanka  ay ka Fuliyeen meelo kamid ah bariga dhexe oo xiligaas uu ku sugnaa Mohammed Emwazi, oo dhanka kooxda Daacish loogu yaqaano Jihadi John’ sida Lagu daabacay Maanta wakaalada AFP,

Dhanka kale Mohammed Emwazi, ama ‘Jihadi John’ ayaa ka dambeeyay Gowraca dad u dhashtay wadamada Japan, ingiriiska Mareynka, iyo Jordan kuwaasi oo Lagu qabtay Bariga dhexe,

Dowlada caalamka ee dagaalka kula Jiro kooxda daacish ayaa si weyn usoo dhaweeyay geerida ninka u dhashtay dalka Ingiriiska oo dhawaan ku biiray kooxda Daacish oo inta badan caan ku ahaan dhanka Gowraca

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here