Waxaa Maanta Lagu in xariga Laga Jaro Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, oo mudooyinkii dambe uu ku socday dayactir xoogan,
Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, waxaa xiligaan ku sugan Gudoomiyaha Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf Daba-geed iyadoo sidoo kale la Filayo in Magaaladaas uu gaaro wasiirka amniga Gudaha xukuumadda Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed si uu xariga ugu Jaro Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Buulo burde,
Amaanka Magaalada Magaalada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan ayaa aad loo adkeeyay waxaa sugida amniga ka qeyb qaadanaya Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan,
Magaalada Buulo burde waxaa dhawaan laga dhigay caasimada Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe loo sameynayo xili Magaalada ay Go’doon ku Jirto.

