Qaar Kamid ah Shacabka Beledweyne oo u Barakacay Deeganada Shabaab+Dhageyso

0

Shacabka Magalaadda Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa bilaabey inay qaarkood ay u barakacaan Deegaanada Al-shabaab ay ka Maamulaan Gobalka Sida Idaacada Simba ay u Sheegeen Ilo ku sugan Magaalada Baladweyne.

Dadkaan ayaa qaarkood waxaa ay guryahoodi Beledweyne ay uga Baxeen Sababo la Xariira dhibaatooyin xaga noolosha oo Mas’uuliyiinta Heer Gobal ee Hiiraan iyo Maamulka Hirshabeelle ay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan.

dadka beledweyne Ka barakacaya ayaa u badan dadka danyarta ah ee aan awoodin inay isticmaalaan lacagta Dollar-ka ah oo hada kaligeed laga isticmaalo Magaaladda Beledweyne, ka dib markii la joojiyey Lacagta Shillin-ka Soomaaliga ah, Maamulka Hirshabeelle ayaana lagu eedeeyey in ay ku guuldareystay wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta Shacabka Beledweye.

Nabadoon Aweys Nuunoow oo kamid waxgaradka Gobalka Hiiraan ayaa idaacadda Simba u sheegay in Beledweyne uu ka socto Barakac ay sameynayeen dadka Shacabka ah oo u dulqaadan waayey dhibaatooyinka dhanka Lacagta ah ee ka jirta Magaaladaas.

Nabadoonka oo sii hadlayey ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ee Magaalada Beledweyne ay walaac xoogan ka qabaan Xalaadaan aan dhamaadka la heyn  ee sababtay inay ka Barakacaan.

Ganacsatada Magaalada beledweyne ayaa bilo ka hor waxa ay joojiyeen isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga ah taasi dhibaatooyinka xoogan u horseeday dadka Shacabka ah Caasimadda Gobalka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here