Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xalay ay dagaalo xogan ka dhaceen degmada Awdheegle oo ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya dhawaan kala wareegen Al-shabaab.
Dagaal udhaxeeyay Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, waxaana ay sababayn qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kal garay dhinacyada dagaalamay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Awdheegle oo la hadlay Idaaacada Simba ayaa usheegay in Al-shabaab ay weeraro xoogan ku qadeyn fariisimo ay Ciidamad Dowlada ka sameysteen xarumo kala duwan oo halkaaasi ku yaala, waxuuna dagalka socday ku dhawaad saacad.
Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay balse waxaa jiraa qasaare soo kala gaaray Ciidamada Dowlada iyo Al-shabaab sida ila ku sugan Awdheegle ay inoo xaqiijiyeen.
Sikastabe ha ahaate degmada Awdheegle aye Ciidamda Dowlada dagaal kula waregeen malinkii Talaada waxaana ay weeraro xoogan kala kulmayaan dagaalyaho ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Shabeeellaha Hoose.

