Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia ahna madaxa howlgalka Amisom ambassa Francisco Madeira, oo wareysi siiyey wargeyska The Star ee dalka Kenya ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay adeegsadeen Ciidamada Difaaca Kenya iyo ciidamada kale ee Amisom ay caqabad weyn ku tahay Al Shabaab.
“Al Shabaab waxay adeegsadaan xeelad dagaal iyo taatikooyin dagaal si ay u gaaraan hadafkooda. Uma wajihi karaan ciidamadeena si waji ka waji ah, Waxa ay ku dhex dhuuntan shacabka dhexdiisa” ayuu yiri Madeira.
Fransisco Madeira waxa uu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada Al Shabab ay doonayaan awood siyaasadeed iyagoo adeegsanaya diinta Islaamka oo ah diin wanaagsan oo nabdoon.
Mar uu ka hadlayey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom kuna sugan deegaanada Jubaland ayuu yiri “Ciidamada Kenya waxa ay u wajahayaan cadowga si guul leh. Waxa ayna furayaan waddooyin halbowle ah oo muhiim ah dadka si ay u marsiiyaa alaabahooda.
Farancisco Madeira waxa uu sheegay in waddooyinka ay fureen ciidamada Kenya inay isku xirka degmooyinka Dhoobley iyo Afmadow oo ka wada tirsan gobolka J. Hoose.
Dowladda Kenya ayaa kamid ah dowlaha ay ciidamada ka joogaan Somalia waxaana tirada ciidamada Kenya ee ku sugan ay kor u dhaafeysaa 4,000 waxa ay qeyb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta midowga africa ee Amisom.
Dalalka kale ee qeybta howlgalka Amisom ciidamadana ay ka joogaan Somalia waxaa ay kala yihiin Uganda, Brundi, Ethiopia iyo Djabouti.

