Seychelles ayaa ku gacan seyrtay go’aankii maamulka Somaliland uu ku sii daayay 19-maxbuus oo lagu xukumay falal burcad badeednimo ah.
War ka soo baxay waaxda arimaha badaha ee wasaarada arimaha dibada Seychelles oo ay baahisay wakaalada wararka ee wadankasi ayaa lagu sheegay inay layaab ku noqotay talaabada ay somaliland xoriyadooda ugu fasaxday maxaabiistaan barcad badeednimada ku xukunaa.
Seychelles ayaa sheegtay in Somaliland ay jabisay heshiis horey u dhexmaray labadda dhinac oo ku saabsanaa maxaabiista barcad badeednimada lagu xukumay ee loo soo wareejiyey xabsiga ugu weyn somaliland ee Hargeysa.
Dawlada Seychelles ayaa warka ay soo saartay waxay ku sheegtay in maxaabiistani ay ku xukunaayeen xabsi u dhaxeeye 30,36 ilaa 42 sanadood.

