Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar kamid ah wadooyinka Magaaladda muqdisho.
Goobaha ay ciidamadda Xireen ayaa kala ah isgoyska tarabuunka, digfeer, kpp bakaaraha, hawlwadaag, foloransa, geed jaceyl iyo aadan Cadde waxaana halkaas lagu arkayaa ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay aaska Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo ku geeriyooday Magaalada Doha ee dalka Qatar,kaasi oo meydkiisa saakay la keenayo Magaaladda muqdisho.
Aaska Gudoomiyaha ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madax kale.

