Galmudug oo Soo Dhaweysay Maxaabiis ay Somali-land Sii Deysay.

0

Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyay Maxaabiis ku eedeysnaa Burcad badeednimo oo laga sii daayay xabsiga Magaaladda Hargeysa kadib cafis uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda galmudug ayaa lagu soo dhaweeyay sii deynta Maxaabista oo gaaraya 19-ruux.

“Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ka mahad-celinaysaa, 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa. ka dib markii laga soo wareejiyey dalka Seychelles jeelku yaal.

Waa talaabo dhanka samaha ah loo qaaday oo muujineysa walaaltinimo iyo isu-soo dhawaansho.

Hay’adaha garsoorka iyo madaxda sare SL waxay ku amaananyihiin habkii ay ula dhaqmeen maxaabiista intii ay ku jireen jeelka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here