
Xarunta taliska Mareykanka ee qaaradda Africa uu ku leeyahay magaalada Stuttgart ee dalka Germany waxaa xilkiisa kula wareegay taliyaha cusub ee loo magacaabay Africom General Stephen J. Townsend.
Towsend ayaa sheegay in todobaadkaan uu imaanayo bariga Africa gaar ahaan Somalia oo uu sheegay inay kamid tahay meelaha ay ka jirto amni xumada, waxa uuna Gen Towsend kulamo la qaadanayaa saraakiisha ugu sareysa dowladda Somalia iyo howlgalka Amisom
Townsend ayaa beddelay General Thomas Waldhauser, oo shaqada ka fariistay kadib markii uu hogaaminayay AFRICOM muddo seddex sano ah oo uu arkay howlgalka sii kordhaya ee Soomaaliya
Towsend ayaa noqonaya taliyihii shanaad ee taliska Africom oo la aas’aasay sanadkii 2008, waxaana uu hadda ahaa madaxa tababarada ciidamada ee Africom.
Gen Towsend waxa uu taliye u ahaa ciidamadii mareykanka ee ISIS kula dagaalamay dalalka Syria iyo Iraq oo uu mareykanku sheegtay inuu guulo kasoo hooyey.
Tan iyo sanadkii 2017 waxa uu mareykanku kordhiyey duqeymaha loo adeegsado diyaaraha aan duuliyaha laheyn ee uu ka fuliyo isagoo beegsanayo saldhigyada Al Shabab iyo Daacish ee koofurta, bartamaha iyo waqootiga Somalia.
