Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Maamulka Galmudug ayaa rajo xumo ka muujiyay dhismaha Galmudug loo mideysan yahay.
Wasiirkii Hore ee Maaliyadda, maamulka Galmudug Cumar Maxamed Cali Dheere oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay sida haatan wax loo wado aysan suurta gal ka dhigeynin in la helo Galmudug loo dhan yahay.
Waxa uu sheegay in aan la qancinin tabashooyinka qaar kamid ah Beelaha daga galmudug,taasina ay tahay caqabadda hortaagan dhisidda Dowladd Goboleedka Galmudug.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Arrimaha Galmudug ay masiirka Galmudug kala hadlayaan dad Diasbaro ah oo dibadda ka yimid,islamarkaana la isku qalday dhimasha Galmudug iyo Arrimaha kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan galinaysa xiligaan sidii loo dhisi lahaa galmudug loo dhan yahay,waxaana magaaladda Dhuusa-mareeb muddo bil ah ku sugan wafdi uu hogaaminaayo Raisulwasaaraha Soomaaliya.

