Aqalka Sare oo Akhrinta labaad marinaya Sharciyadda Batroolka iyo Xaqsiinta Ciidamadda

0

Xubnaha Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa akhrinta kowaad marsiinaya sharciyeeda,Batroolka iyo sharciga howlgabnimada,xaqsiinta,iyo hibooyinka ciidamada qalabka sida.

Sharciga batroolka ayaa ah kan isha lagu wadahayo, oo haray ugasooo gudbay golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Aqalka sare oo matala federalka ayaa dadka falanqeeya siyaasada waxa ay sheegayaan inuusan ku dag dagidoonin ansixinta sharciga batroolka madaama ay tabashooyin ka qabaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa gadaal ka riixaysa meelmarinta sharciga batroolka, waxaana wasiirka batroolka somaliya uu golaha shacabka  kahor sheegay in dhawaan dalku uu soo saarayo shidaal.

Golaha shacabka ayaa sharciga batroolka meel mariyay, iyadoona 150 xildhibaan ay gacanta u taageen ansixintiisa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here