Laamaha ammaanka gobolka Mudug ee dowladd Goboleedka Gal Mudug ayaa ka hadlay amniga faraha kasii baxayey bilihii lasoo dhaafay ee magaaladda Gaalkacyo iyo deegaanada kale.
Dhawaan madaxweynaha Gal Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku badalay gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug qeybta Gal Mudug isagoo ku eedeynaya waxyaabo badan oo uu kamid yahay amniga deegaanada gobolka Mudug qeybta uu ka arimiyo maamulka Gal Mudug.
Madaxweyne Xaaf ayaa gudoomiyihiisa Cusub ee Gobolka Mudug u magacaabay Cabdiraxman Cali diiriye oo uu u arko inuu wax badan ka badali karo xaaladda amni iyo tan maamul ee gobolka.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug Cabdi Sh. Xuseen Maxamed oo la hadlay Radio Simba ayaa ka hadlay habaacsanaanta dhanka amniga ah ee deegaanada gobolka Mudug qeybta Gal Mudug, waxa uuna sheegay in amnigu faraha ka baxay kadib markii la waayey wada shaqeynta maamulka sare ee gobolka.
Gudoomiyaha ayaa si toos ah u sheegay inaysan jirin wax wada shaqeyn ah oo kala dhaxeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka Cabdirashiid Xaashi Cartan, balse waxa uu hadda balan qaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub ee dhawaan la magacaabay si wax looga bedelo amniga gobolka.d
Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo hoostagto maamulka Gal Mudug waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin xilal kala duwan hayo.

