Dowladda Colombia oo Furtay Xadka ay La Wadaagto Dalka Venezuela

0

Kumanaan qof oo u dhashay dalka Venezuela ayaa ka talaabay xadka uu Venezuela la wadaago Colombia si ay u iibsadaan cunto, daawo iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah nolosha.

Xadka ay wadaagaan dalalka Venezuela iyo Colombia ayaa dib loo furay kadib afar bilood oo uu xirnaa, madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa bishii February codsaday in la xiro xadkaas si looga hor tago gargaarka Mareykanku doonayey inuu soo geliyo gudaha Venezuela.

Dalka Venezuela ayaa wajahay cunta yari aad u baahsan oo ka dhalatay sanado badan oo dalku ku jiray cadaadis dhanka dhaqaalaha ah.

Sida ay sheegeen hey’adaha QM In ka badan 4 million oo qof ayaa isaga barakacay Venezuela tan iyo sanadkii 2015.

Venezuela ayaa bishii February xirtay xadadka ay la wadaagto Colombia, Brazil iyo Jaziiradda Aruba, si looga hortago gargaarka Mareykanka oo la doonayey in lagu afgambiyo Madaxweyne Maduro.

Bishii lasoo dhaafay, waxa uu madaxweyne Maduro ku dhawaaqay dib u furista xadadka Brazil iyo Jaziiradda Aruba, balse mas’uuliyiinta jaziiradda Aruba ayaa sheegay in xadku uu sii xirnaanayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here