Dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Saldhigyadda Ciidamadda Jabuuti ee Jalalaqsi,waxaana halkaas ka dhacay dagaal saacado socday.
Sidoo kale waxaa jirey qaraxayo laga maqlay gudaha Degmadda, iyo madaafiic ay isdhaafsanayeen Ciidamadda Jabuuti iyo Xarakadda Al-shabaab.
Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in dagaalka Jalalaqsi lagu dilay 13-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Jabuuti.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska AMISOM oo loogu hadlaayo sheegashadda Al-shabaab.

