Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii uu ka qaaday Yuusuf axmed hagar Yuusuf Dabageed.
Xil ka qaadistaan ayaa timid kadib markii Yuusuf Dabageed Gudoomiyihii Hore uu shalay eedeen culus u jeediyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa musharaxiintii xilka Madaxweynaha dowladd goboleedka Hirshabelle.


