Kooxo hubeysnaa ayaa xalay Magaaladda Jowhar ee caasimadda Hir-shabeelle waxa ay ku dileen mas’uul ka Tirsanaa Maamulka.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Hantiwadaag ee magaaladda Jowhar,waxaana fuliyay kooxo bastooladdo ku hubeysnaa.
Mas’uulka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/rashiid Xaaji Muxumed oo kamid ahaa saraakiisha waaxda dabagalka Canshuuraha magaaladda Jowhar,sidoo kalana waxa uu soo noqday Gudoomiyaha deegaanka Gamboole.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal kooxo hubeysnaa ayaa dhowr xabadood la dhacay mas’uulka,waxayna ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Ma jirto cid loo qabtay dilkaan xalay ka dhacay magaaladda jowhar.

