Qoyska AUN Gaashaanle Dhexe Cabdi Seed, oo Ka Hadlay Xaqiiqada Jirta

0

Xaaska sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la sheegay in uu is dilay ayaa beenisay in seygeedii uu is dilay iyadoo sheegtay in la diley.

Deeqa Axmed oo ah xaaska sarkaalka oo lagu magacaabi jirey Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed, ayaa sheegtay in seygeeda uusan isdilin,islamarkaana dilkiisa laga dambeeyay.

Waxa ay sheegtay in xalay lasoo wacay oo loo sheegay in dhulka uu degan yahay la duminayo oo laga doonayo inuu ka guuro, kadibna xalay markii ay seexdeen ay saaka ka war heleen in meydkiisa la helay.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in seygeeda uu soo wacay Taliye lagu magcaabo Sulub islamarkaana uu ku wargaliyay in uu isaga guuro guriga uu dagan yahay uu ku yaala Xarunta Sheelare balse uu uu sheegay in uusan haysanin meel uu u guuro.

Kiiska Dilka Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed waxaa haatan gacanta ku haya CID Booliska Soomaaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here