Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa duqeyn ka fuliyay Gobolka Bari ee Maamul Goboleedka Puntland.
Duqeyntaan oo shalay dhacday ayaa waxaa lagu dilay lix xubnood oo ka Tirsanaa Kooxda Daacishta Soomaaliya sida uu Mareykanka sheegay.
War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka Maraykanka Afrika ayaa lagu sheegay in weerarkaan uusan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka, iyadoo intaas lagu daray in Mareykanku dib kasoo faah-faahin doono macluumaadka howlgalkaan.
Maraykanka ayaa duqaymaha uu ka geysanayo Soomaaliya waxay jab xoogan ugeysteen Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo weli halistooda aan dhayalsan karin kana dagaaalama dhul istiraatiiji ah oo kuyaala buuraha Calmadow iyo calmiskaad oo ku hareeraysan Bari.

