Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ee maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa eedeen culus u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.
Yuusuf Axmed Hagar( yuusuf Dabageed),oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Beledweyne ayaa sheegay in madaxweyne Waare uusan waxba u qabanin Gobolka hiiraan uu kasoo jeedo,marka laga reebo dhibaatooyin uu u geystay.
Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Waare in uusan bixin mushaarka Ciidamadda Hir-shabeelle, Maamulka Gobolka Hiiraan, in lagu hor weeraray Ciidamada Magaalada iyo in uu kahor istaagay dhaqaalaha ay ku helaan canshuurta ay qaadaan.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Shacabka, Ganacsatada iyo Odoyaasha dhaqanka ay ka mideysan yihiin eedeenta Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Ugu dambeyntii waxa uu ka dalbaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo faragaliso xaaladda Gobolka Hiiraan.

