Warar dheeri ah oo kasoo baxaya Dagaallo iyo Duqeymo Saaka ka dhacay gobolka Gedo.

0

Dagaalyahanno Hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa waabarigii Saaka Waxaa ay weerar Xooggan oo ku bilowday gaari lagasoo buuxiyey walxaha qarxa ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka gedo.

Dagaalyahanada ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa u suuragashayin ay gacanta ku dhigaan Saldhigga ay weerareen oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Kenya oo fariisin milatary ku lahaa deegaanka weerarku ka dhacay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka kenya dagaal saacado socday kadib ay isaga baxeen deegaankaasi sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal la hadlay Radio Simba Muqdisho Waxaa dhinacyada diriray ay hubka ay isweedaarsanayeen la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa goobo ka ag dhawaa halka lagu dagaalamay waloow aan si dhab ah loo xaqiijin inta qasaaruhu uu le’egyahay.

Hadda Waxaa lagusoo waramayaa in degaankaasi ay ka socoto duqeyn xooggan oo Ciidanka Kenya ay geysanayaan oo ay la eeganayaan goobtii saaka Shabaabku ay xoogga ugasoo saareen.

Dhinaca kale Dagaalkan waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dowladda Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Af-hayeenka Ciidamada Al-shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Warbaahinta Al-shabaab in ay ku dileen Dagaalka Maanta dhacay in ku dhaw 63-Askari oo kenyan ah islamarkaana ay gacanta ku dhigeen 31 gaari oo nuuca dagaalka ah iyo waliba agabyo kale oo ay ugu tageen Xarunta ay weerareen siduu hadalka u dhigay.

Wasiirka Difaaca Dowladda Kenya David Obonyo ayaa Magaalada Nairobi warbaahinta ugu sheegay in ay ka hortageen weerarka Shabaabku Saaka ku qaadeen fariisinka ay Ciidanka Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo,waxaana uu meesha ka saaray jiritaanka warka ku aaddan in Shabaabku ay la Wareegeen deegaankaasi siduu tilmaamay.

Warar ka madaxbanaan labada dhinac ayaa sheegaya in hadda deegaankasi ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo saaka halkaa dagaal kula waregay islamarkaana duqeymo ay ka fuliyeen diyaaradaha dagaalka kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here