War hadda inagasoo gaaray Isgoyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya uu ruux shacab ah oo watay gaari nuuca raaxda ah uu goor dhaw dhaawac halis ah uu ugu geystay degmada hodan gaar ahaan isgoyska Tarbuunka magaalada muqdisho.
ruuxan shacabka ah ayaa la sheegay in dhaawac halis ah uusoo gaaray islamarkaana isagoo garaab ah loola carary Isbitaalada Magaalada Ku yaalla Mid ka mid ah.
Lama Oga Sababta Keentay arinkaan balse waxaa dadku ay sheegayaan in uu muran soo kala dhaxgalay askariga iyo qofkuu dhaawacay intaa ka dibna askriga oo uu risaas ku furay.
Askarigii Falka geystay oo ka mid ahaa ciidanka ku sugan isgoyska Tarbuunka ayaa la sheegayaa in uu si nabad galyo ah uu kula joogo ciidanku uu ka tirsanaa iyadoona ciidankii goobta falku ka dhacay joogay aysan waxba ka dhihin falkan uu geystay.
Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka kuma cusba inaad ka maqasho dhibaato askarta Dowladda iyo kuwa AMISOM ay u geystaan dadka rayidka ah.

