Dowladda Ethiopia oo Soomaaliya u Kala Qeybisay 3-Dal+Cadeymo Muujinaya

0

Dowladda Ethopia ayaa Soomaaliya ukala qeybisay 3dal, oo kala ah Soomaaliya, Puntland iyo Somali-and,kuwaasi oo Caasimado u kala ah Muqdisho Garoowe, iyo Hargeysa.

Halkaan Hoose ka AKhriso qoraalka Ethopia ay Soomaaliya u kala qeybisay 3-dal

“Dalkeenna ayay Saddex u qeybisay. Dalalka ay ku leedahay Wakiillo Diblomaasiyadeed ayay ku dartay Puntland iyo Somaliland.

Eeg lifaaqa, dalalka ay Qunsuliyadaha Guud ku leedahay magaca dalka ayaa ku qoran Taxa dalalka, laakiin Soomaaliya Muqdisho uun ayay matashaa, taxa dalalka waxaa kula jira Puntland iyo Somaliland.

Dowladdeennu kama hadal markii khariidadda Afrika laga reebay Soomaaliya.

Haddana waa gef labaad oo isla usbuuc gudihiis ah. Dowladda iyada ayay waajib ku tahay in ay ilaaliso Qarannimada Soomaaliya, wadajirkeeda dhuleed iyo sumcaddeeda.

Gefkii barta internetka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia markii ay daabacday Soomaaliya, oo marka laga reebo Somaliland lagu daray Ethiopia, ayaa dad is yiri khafiifiya.

Waxay yiraahdeen labada Congo waa la isku daray. Sida kale labada Sudan.

Waxaa xusuusin mudan in labada Congo ay Congo wada ahaayeen, sidoo kale labada Sudan, oo khariidaddu ay sidaa ahaan jirtay.

Laakiin annagu goormaan Ethiopia isku dal ahaan jirnay oo khariidaddu ay sax ahayd? Lama sheegin cidda khariidadda sameysay iyo sababta.

Dowladdeennu ha noo hadasho oo ha gudato waajibkeeda.

Wax laga aammuso iyo wax kale ayaa kala jira.

Lifaaqu waa kan: http://www.mfa.gov.et/home/Missions

Xigasho:-Yuusuf Garaad

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here