Kooxo hubeysnaa ayaa xalay weerar Bambaano loo adeegsaday waxa ay ku qaadeen Xerada Jenaraal Gordan oo ku taala Degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in bambaanooyinka kadib la maqlay rasaas socotay muddo daqiiqado ah,oo ay isweedaarsanayeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysnaa.
Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan lagu qaaday Xiradda Generaal Gordan ee Degmadda Hodan.
Dhanka kale waxaa saakay baaritaano ciidamadda Dowladda Soomaaliya ka sameynayaan xaafadaha ku dhow dhow Xiradda general Gordon.
Xiradaan waxaan horey u maamuliyay Dowladda Imaaraadka Carabta balse markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo imaaraadka ayaa waxaa hakad galay howlihii ka socday xiradda,inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in la wareegtay howlihii xiradda.

