Puntland oo Sheegtay in La Qabtay Ninkii Tooreyda Ku Dilay Nimco Cumar Shire

0

Maamulka Magaaladda Gaalkacyo Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in gacanta lagu hayo nin lagu tuhmaayo dilkii habeen hore loo geystay Gabar dhalinyaro aheyd.

Ala ha Naxariistee Nimco Cumar Shire (Xuuray), oo 22-sano jir aheyd ayaa lagu dilay Xaafadda garsoor ee Magaaladda Gaalkacyo, xili ay kasoo baxday Salaadda Taraawiixda.

Ciidamada amniga Magaaladda gaalkacyo ayaa kadib saacado baaritaan ah waxay xalay shaaciyeen in gacanta lagu hayo nin ku eedaysan dilka gabadhaasi kadib markii sida ay sheegeen la tixraacay raadad iyo tibaax la helay.

Dilkaan ka dhacay Magaalada gaalkacyo ayaa wali ah mid laga hadal hayo Guud ahaan gobolka Mudug,waxaana Magaaladda horey loogu geystay dilal arxandaro ahaa gabdho ay kamid aheyd Caasho Ilyaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here