Madaxweynaha Puntland oo Taliye Cusub u Magacaabay Booliiska Gobolka Mudug

0

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.

Madaxweynaha  Puntland

Mar Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug

  1. Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Magacaabista taliyaha waxay ku soo beegantay saacado kadib markii madaxweynuhu kala diray garsoorayaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii gobolka Mudug islamarkaana maamul cusub u magacaabay gobolkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here