Gudoomiye Cali Gacal Casir oo Eedeen Culus u Jeediyay Puntland+Dhageyso

0
Gudoomiyaha baarlamaanka Maamul Gobaleedka Galmudug Cali Gacal Casir

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug garabka magaaladda Cadaado Cali Gacal Casir ayaa eedeen kala dul dhacay Maamul Goboleedka Puntland, iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka.

Cali Gacal oo la hadlay idaacada Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan dhinacyadaan fara gelin ay ku hayaan siyaasadda arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo ka qeyb qaadanayso isku keenidda Madaxda Galmudug ee Khilaafka uu ka dhaxeeyo.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here