Al-Shabaab oo Sheegtay Qaraxyo Ka Dhacay Weydoow, Bariire iyo Baydhabo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay magaaladda Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxaan oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro ayaa lagu tuuray ciidamo katirsan kuwa Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya xilli ay ku sugnaayeen xaafadda Buulaal Jameeco.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan Ciidamadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qarax gaari loo dhigay ayaa isna ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka magaaladda Muqdisho,waxaana qaraxaan ku dhintay ilaa afar askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowldda Soomaaliya.

Dhanka kale qarax miino ayaa lala eegtay ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Bangaraafta loo yaqaan,waxaana qaraxaan uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadda ka dhacay deegaanadda Weydoow, Bariire iyo Magaaladda Baydhabo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here