Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose waxaa gaaray wafdi ka socdo hey’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Wafdigan waxa uu ka koobnaa caddaan iyo soomaali waxa uuna ka tagay magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka degmada Marka Saalim xasan buraale oo la hadlay warbaahinta Simba ayaa ka warbixiyey wafdigaan, waxa uuna sheegay in ay qeyb ka yihiin gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax, Sanataro iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Somalia.
Sida uu sheegay gudoomiye Ku xigeenku wafdigan waxa uu magaalada Marko ka taageerayaa dhanka dhismaha iyo horumarka sida Caafimaadka, Waxbarashada, dhismaha magaalada iyo dhanacyo kale oo horumar u ah magaalada Marka.
Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka degmada Marka Saalim xasan buraale ayaa tilmaamay in magaalada Marka ay tahay mid nabad ah, waxa uuna fariin u diray dadka aaminsan in magaaladu ay tahay bahalo galeen.
Waxa uu intaas kusii daray in amniga magaalada uu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana ay waddooyinka soo galo magaaladda ay ka xoreeyeen dagaalyahanada Al Shabab.
Tan iyo markii guutada 14 october ee Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen magaaladda Marka waxaa laga dareemayey xasilooni iyo soo kabasho dhanka amniga ah.

