War Deg Deg:-Cali Hilowle Cali Dheere oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa caawa magaaladda muqdisho waxa ay ku dileen Mas’uul horey xil ugu soo qabtay Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Boondheere dhinaca wadada soo aada Taalada Daljirka Daahsoon.

Mas’uulka la dilay ayaa Degmadda Boondheere kasoo noqday Guddoomiye ku xigeenkii Amniga iyo siyaasada, waxaana lagu magacaabi jirey  Cali Hilowle,kaasi oo ku magac dheeraa (Cali Dheere).

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaiya,waxaana goobta laga qaaday meydka mas’uulka.

Waa dilkii labaad eek a dhaca Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir sidii loo galay Bisha ramadaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here